TPLF oo shaaca ka qaadday in ay dishay in ka badan 1,500 askari Itoobiyaan ah.

Wednesday October 21, 2026 - 10:16:20
MeMO Staff
Jabhadda TPLF ee fallaagada Tigray ayaa war ay soo saartay Talaadadii shalay ku sheegtay in ay dishay in ka badan 1,500 oo askari oo Itoobiyaan ah, kaddib dagaal culus oo laba maalmood oo xiriir ah ka socday deggaan ka tirsan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Negash Hiluf, oo ah mas’uul ka tirsan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), ayaa sheegay in dagaalyahannada fallaagadu ay dileen 1,511 askari oo ka tirsanaa ciidamada federaalka, halka 1,050 kalena ay dhaawaceen intii ay socdeen dagaallo culus oo dhacay Sabtidii iyo Axaddii usbuucan.

Dagaalladan ayaa dhacay kadib markii maleeshiyaadka TPLF ay jidgooyo u dhigeen kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah, sida uu Negash Hiluf ku sheegay warbixin muuqaal ah oo uu baahiyey warfidiyeen taageeri mucaaradka oo lagu magacaabo Tigray Media Corporation.

Sida uu ka dhawaajiyey mas’uulkan Tigreega ah, dagaalladan ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka deggaanka Mirena, xilli ciidamada dowladda ay isku dayayeen inay u dhaqaaqaan dhanka magaalada Adet, oo ku taalla bartamaha gobolka Tigray.

Jabhaddu waxay sidoo kale sheegatay inay dishay 11 xubnood oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Tigreega ee loogu yeero TPF, kuwaas oo la safan ciidamada federaalka. Ilaa hadda dowladda Xabshida Itoobiya kama aysan hadal sheegashada maleeshiyaadka TPLF.

Sheegashadan ayaa timid xilli saacadihii lasoo dhaafay la baahiyey waraysi lala yeeshay RW Itoobiya, Abiy Axmed, oo uu Eritrea ugu goodiyey inay la kulmi doonto cawaaqib aad u daran, haddii ay ka waantoobi waydo taageerada ay siiso kooxaha hubaysan ee la dagaallamaya dowladdiisa.

FG: Wararka deg-degga ah kala soco:

Related Items

Update cookies preferences